Suuqyada Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii ugu danbeeyay waxa kajiray jahwareer u dhaxeeya ganacsatada iyo dadka wax ka iibsada kadib markii ay dhibaato kadhalatay hoos u dhac xoog leh oo ku yimid sarifka lacagta Doolarka Mareykanka halka qiimaha lagu iibsado raashinkana uu si xowli ah kor ugu sii socda taasina dhibaato ayay ku wadatahay dadka si gaar ahna kuwa danyarta ah.
$100 “ boqolka doolarka Mareykanka” oo maalmo kahor la sarifayay Sadax malyan iyo dhowr boqol oo shilinka Soomaaliga maalmo gudohoodna waxa uu hoos uga degay sarifka dhowr boqol oo kun shilinka Soomaaliga, hadaba sababta arintaan keentay waxaan wax kaweydiiyay mid kamid ah sariflayaasha Muqdisho.
“Sababaha waa hay’adaha wadanka soo galay oo mucaawina ahaan dollarka u qeybiya “ ayuu yir mid kamid ah sariflayaasha Muqdisho.
Fowsiya Maxamed Axmed oo kamid ah haweenka Muqdisho oo Radiyow Ergo isgarabtaagay xili ay ku sugneyd goob sarifka ah ayaa ka sheekeysay isbedelka suuqa ku dhacay iyo saameynta ay dareemeyso.
“Walaahi dhibaato weyn ayuu keenay, mar hadii sarifka uu hoos u dhaco qiimaha raashinka ayaa kor u kaca, taasina saameyn ayey nagu reebaysa”.
inta badan dad ka shaqeysta howlaha kala bedelka lacagaha hoos u dhaca sarifka waxa ay u aaneynayaan lacago badan oo doolar ah oo magaalada soo galay.
Hadaba dhinaca kale maxay iyaga sicir bararka raashin u sababeynayaan ganacsatada bagaashleyda haweenay kamid ah ganacsatadaasi oo aan baqaarkeeda kula kulmay ayaa iska fogeysay eedda sheegtayna in arintu ay kasocoto ganacsatada waaweyn ee dakada wax kasoo degsata.
Gudoomiyaha maamulka gobalka Banaadir ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” ayaa isaguna codsaday si arimahan wax looga qabto in hey’adaha ay gacan ka geystaan joojiyaana raashinka gargaarka ee dalka gudihiisa ay ka iibinayaan taa bedelkeedana ay dibada cunto dalka ku filan ka keenaan.
“Ganacsatada ayaa waxa ay sameeyaan ganacsigooda waxa ay la sugayaan hay’adaha , marka hay’adaha waxa aan ka codsanaynaa in joojiyaan dalka waxyaabaha ay iibsanayaa islamarkaana ay raashinka ka keenaan dalka dibadiisa”.
Dhibaatooyinkan kadhasha jahwareerka kataagan isbedbedelka ganacsiga waxaa aalaaba saameyntiisa dusha u rita danyarta Muqdisho oo markale arintani awgeed hada dhibaato kale wajahaya iyadoo arrinta la dadku la yaaban yihiin tahay qiimahii dollarka oo hoos u dhacay iyo maceeshadii quutal daruuriga ahayd oo qimaheedu aad kor ugu kacayo.
Yusuf Koranto/MH