Sida ay xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka inkabadan 10 carruur ah oo uu soo ritay cudurka shuban biyoodka ayaa saacadihii la soo dhaafay ugu geeriyooday deegaanno hoostaga Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.
Saraakiil caafimaad oo ka hawlgala cisbitaalka dhexe ee Gobolka ayaa idaacadda Ergo u sheegay in ay sii kordhayaan caruurta la xanuunsanaya Jadeecada iyo shubanka kuwaasi oo laga keenayo tuulooyin hoostaga magaalada.
Dad isugu jira waayeel iyo caruur oo gaaraya 60-ruux ayaa la jiifiyay cisbitaalka gobolka iyo kuwo si gaar ah loo leeyahay sida ay noo xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka kaddib markii saamayn ay ku yeesheen cudurro ka dilaacay deegaanka markii ay bilowdeen roobabka Deyrta oo ka curtay intabadan gobolada Bay iyo Bakool.
Xaaladaha la xiriira caafimaadka ayaa ku soo beegmaya xilli ay aad u liitaan adeegyada caafimaad ee ka jira goobaha haatan cudurada ay ka dilaaceen halkaasi oo ay ku sii kordhayaan caruurta iyo dadka da’da ah ee u dhimanaya cudurada.
Xafiiska caafimaadka maamulka gobolka ayaa markii ugu horeysay sheegay in cudurka shuban biyoodka uu ka dilaacay deegaanada qaar ee gobolka Bay.
Sheekh Jaamac madaxa caafimaadka gobolka ee maamulka Al-shabaab ayaa sheegay in ku dhowaad afartan qof oo uu sooritay shubanka ay jiifaan xarumo caafimaad oo ku yaala deegaamada Raamacadey iyo Xawaalbarbaare oo ka tirsan degmada Baydhabo.
Dhibaatadan waxay la xiriirtaa xaalado la xiriira nadaafad darro ka jirta deegaanka. Cuduradan oo soo ritay caruur iyo dad waayeel ah ayaa imaanaya xilli roobab ay ka da’ayaan gobolada Bay iyo Bakool kuwaasi oo la sheegayo in ay keeni karaan cudurro duumada ay kamid tahay haddi aan la samayn olole ballaaran iyo wacyi gelin dadka lagu baraarujinayo iyo taageero caafimaad oo la heli karo.
Marka laga soo tago gobolka Bay degmada Ceelberde oo ka tirsan Bakool ayaa kamid ah goobaha sidoo kale haatan ay kajiraan cuduradaasi kuwaasi todobaadyadii la soo dhaafay ay u dhinteen ku dhowaad 100 caruur ah.
Cabdicasiis Koronto/MH