Madaxa xarumaha caafimaad ee lagu daweeyo dadka dhimirka la,a ee Xabeeb (Habeb public mental Hospital) Dr,C/raxmaan Cali Cawaale Xabeeb ayaa xaflad qada sharaf ah u sameeyay carruur fara badan, kuwaasoo ka mid ah caruurta ku nool dariiqyada Muqdisho ,ee loo yaqaano darbi jiifka.
Xafladdaasi qada sharafta ahayd oo ay ka soo qeyb galeen,masuuliyiin ka socotay xarumaha lagu daweeyo bukaanada qaba cudurada dhimirka ee Xabeeb, iyo masuuliyiin ka socotay DKMG Somaliya ayaa waxa ay ka dhacday buundada Dugsigii hore ee farsamadda gacanta hoosteeda ee ku taalla KM4 halkaasoo hoy u ah carruur badan oo kamid ah carruurta derbi jiifka ah ee ku nool magaalada Muqdisho,
Dr C/raxmaan Cali Cawaale Xabeeb oo la hadlayay caruurtaasi kadib qada sahrafti ayaa sheegay in carruurta darbi jiifka ah looga baahan yahay in ay iska daayaan oo ay joojiyaan isticmaalka waxyaabaha maanka dooriya sida koolada,xashiishadda, calaqa, khamriga iwm. Waxana uu kula dardaarmay carruurtaasi in ay wax bartaan si ay ula tartamaan jiilkooda, waxana intaa kadib Dr,Xabeeb uu diiwan galiyay magacyada carruurtaasi isagoona u balan qaaday in waxii uu u qaban karo u qabanaayo, intaa kadib qaar ka mid ah carruurta darbi jiifka ahayd ee ka soo qeyb gashay xafladaasi qada sharafta ahayd ayaa goobta ka sheegay in ay u baahan yihiin in loo fidiyo daryeel caafimaad, waxbarasho iyo nolol u dhaanta midaan hadda ay ku jiraan,
Ugu dambayntii Dr,Xabeeb ayaa
Wuxuu si gaar ah codsi ugu diray dhammaan qurba joogta Soomaaliyeed meel kasta oo ay ku sugan yihiin in wixii kaalmo ah ee lagu badbaadinaayo mustaqbalka caruurta inay la soo xiriiraan.isagoona dhinaca akle hay,adaha Qaramada midoobay ka codsaday in ay gacan ka geystaan xanaaneynta caruurtaan dibjirka ah ee mustaqbalkoodii sii lumayo.
“waxaan diyaar u ahay in aan ka baxo noloshaan xun ee dhibaatada badan ,habeenkii waxaa I dilay dhaxan,maalintii waa kulayl hadii roobku soo da,o ma haysto meel aan ka galo ,jirkeyga waa uu googo,ay aniga oo dhan wan is xoqayaa,sidaana waxaa goobta ka sheegay Cali yare oo ah wiil qiyaastii 13jira oo ka mid ahaa caruurtii darbi jiifka ahayd ee loo sameeyay qada sharafta”.
guddomiyaha degmada Heliwaa Cumar Jacfaan oo ka mid ahaa madaxdii booqatay dhallinyarada derbi jiifka ah ayaa isna wuxuu u ballanqaaday inuu gacan ka geysan doono ihorumarintooda iyo sidii ay u heli lahaayeen waxbarasho.
Caruurta dib jirka ah ee ku nool gudaha magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa saamayn xoog leh ku yeeshay dagaalada ka soconaya magaalada,kuwaasoo sababay in qaar badan oo ka mid ahaa ay ku dhinteen kuwa kalana ay ku dhaawacmaan. Mana jirto illaa iyo hadda cid isu xilsaartay wax u qabashada caruurtaasi.