SEYLADA BURCO OO GANACSIGA XOOLAHA UU CAMIRMAY

0
144

Xoolaha nool oo lafdhabar u ah ganacsiga soomaalida ayaa waxaa todobaadkan si dar leh meelo badan oo Soomaaliya ah uga soconayay dhoofinta xoolaha kadib markii dawlada sucuudiga ay fasaxay iibka xoolaha soomalida ee wadankeeda.

Beecmushtarka xoolaha ayaa waxaa sii dhiirigeliyay xili moosinka xajka uu nagu soo aadanyahay iyadoo ay xoolo aad badan tagaan sucuudiga,Magaalada Burco oo ah saylda xoolaha ee ugu weyn gobolka Togdheer ayaa lagu kala iibsadaa wakhtiga Carafada xoolo faraban iyadoo Carafadana magaalada Barbera laga furay maxjarkii sadexaad ee caafimaadka xoolaha lagu hubinayo ka hor inta aan la dhoofin.

Maxjarkaas waxaa maalgeliyay ganacsadaha Carbeed ee Al jaabiri.

Sida ay ganacsatada u sheegeen Radio Ergo ariga ayaa kamid ah  xoolaha ganacsigoodu uu cirka isku shareeray, iyadoo dhakhli badani uu soo galo magaalada Burco maalin walba.

Dhinaca kale arrintan ayaa saamayn ku yeelatay lacagta Shillingka Somaliland oo hoos iyadu u dhacday kadib markii uu doolar farabani soo galay suuqa kaasoo dadka reer miyiga ah looga iibsado xoolaha.

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here