Naf iyo maal imisaa Soomaaliya ku luntay laga soo bilaabo 1991 (Warbixin)

0
51

Laba hay’adood oo Maraykan ah lana kala yiraahdo Center for American Progress iyo One Air Future Foundation, ayaa waxay soo saareen warbixin qiyaas ay kaga sameeyeen wixii naf, maal iyo hanti kaleba kaga lumay Soomaaliya labaatankii sanno ee dagaalada sokeeye socdeen:

Dhibaatadda dhaqaale bur bur ee ay keeneen dagaaladdu laga soo bilaabo 1991
Arrimaha bani’aadanimada iyo horumarka 13 bilyan oo dollar
Lacagaha qurbo joogta u direen guddaha wadanka: 11.2 bilyan oo dollar
Nabad ilaalinta, hawl galadda ciidan, ilaalinta gargaarka, argagixiso la dirirka iyo arrimaha diblamaasiyadeed 7.3 bilyan oo dollar
Budhcad badeedda 22 bilyan oo doolar
Denbiyada caalamiga ah iyo nidaam la’aanta arrimaha la xiriira 2 bilyan oo doolar
Isku dar aduun dhan   55.3 bilyan oo doolar

Qiyaasta inta naf ku dhimatay Soomaaliya laga soo bilaabo 1991:
Dhimasho 450,000 ilaa 1.5 milyan oo qof
Qaxooti waxaa noqday dad ka badan 800,000 oo qof
Dadka ku barakacay guddaha 1.5 milyan oo qof

Haddaba markii warbixintaani soo baxday ayaan xiriir kala samaynay arintaan Dr Yuusuf Maxamad Ismaaciil  Bari Bari oo ah safiirka Soomaaliya u fadhiya xarunta Qaramada Midoobey ee magaalada Geneva, waxaa inoo suura gashay inaynu wareysi gaara oo arrima badan uu uga hadlayo aynu la samayno, ugu horreyna  Maxamad Gaarane Adan ayaa weydiiyay safiirka waxyaabihii ay ka hadlaysay daraasad ay dhawaan daabaceen  labadaan urur ee laga leeyahay waddanka Mareykanka?

J- Assalaamu calaykum waraxmatullaahi wabarakaatuhu; dhammaan waxaan salamayaa shacabka Soomaaliyeed meel waliba oo ay joogaan, labadaan urur horta magacyadooda waxaa la kala yiraahdaa Center for American Progress, iyo One Air Future Foundation waxay daabaceen daraasad cilmiyeysan oo ay ku eegayaan waxa naf iyo maal ku baaba’ay dhibaatada Soomaaliya waana arrin muhiim ah, mana ahan daraasad ay Soomaali samaysay  aan ku hormaro dhibaatada soo gaartay shacabka Soomaaliyeed tan iyo 1991, labada urur darasaddoodu waxay ku leeyihiin dadka ku dhintay waxay gaarayaan 450,000 illaa iyo inta u dheeysa 1 milyan iyo bar,tirada qaxootigu waxay kor udhaafayaan illa 800,000 sideed boqol oo kun oo ruux,  barakacayaalka dalka gudihiisa ku barakacay waxa ay ka sara mareen illaa 1milyan iyo bar qoffood,waxay is bar bar dhigayaan marka tira koob ay iyagu sameeyeen oo ah dhaqalaha la leeyahay 1991 illaa iyo hada soomaaliyuu ku baxay,arrimaha gargaarka biniaadamka iyo horumarka waxay ku qiyaaseen inuu ku baxay 13 bilyan oo doolar, xawaaladaha qeyr allaha siiyee muwaadiniinta Soomaaliyeed ee daafaha caalamka ku kala nool ay u direen dadkoodana marka la isku darana waxay ku tilmaameen,11.2 bilyan oo doolar dhaqaalaha ku baxay nabad Ilaalinta ama hawlaha ciidanka gar ahaan kuwii hore ee UNOSOM  ama kuwaan dambe ee AMISOM ,iyo la dagaalanka argagixisada waxaa ku baxay ayay leeyihiin 7.3 bilyan oo dolar dhinaca burcad badeda waxay leyihin waxaa ku baxday illaa iyo hadda 22 bilyan oo doolar ,la dagaalanka dambiyada caalamiga ah iyo lacagaha sida sharci darada u socda waxaa ku baxday ayay leeyihiin ,2 bilyan oo doolar marki la isku darana waa 55.3 bilyan oo  doolar ,

S- Sidee u waajahdeen mudane ambassador daraasaddaan .?
J-dawlad kasta markii ay soo waajahdo daraasad noocan oo kale ahi waxay u baahan tahay waqti ay ku samayso baaritaan isla  mar ahaantaana ay ku soo qiimeyso xaaladdaasi, kadibna ay jawaab ka bixiso, hase yeeshee ula jeedadaan u soo bandhigay waxaa weeye  in la is barbar dhigo darasadaan iyo marxaladda  ka jirta dalkeena.

S- Maxay ahaayeen talooyinkii aad soo jeediseen?..
J- talooyinku waa kuwo ay shacabka Soomaaliyeed wada garan karaan, raalina ka yihiin waa in xooga la saraa sidii shacabka Soomaaliyeed wax dhab ah  loogu qaban lahaa in laga wada tashado, tusaale mucaawimadaan hada dalka la keenayo, dawladu lama socoto, macquulna ma ahan arrintaasi, dabcan hadda dawladdu waxay u bahantahay in taageero laga siiyo degdeg ah in  hay,adaheeda kala duwan   loo fidiyo hanaan lagu tayo gelinayo (Capacity building), oo la taban karo taasoo sahli doonta insha Allaahu tacaalaa  in si wadajir ah loo shaqeeyo, intaan la soo dirin mucaawinada in dawladdu la socoto,  waxay ka koobantahay oo markaa kadib ay dawladdu si siman ugu qaybiso mucaawinada dhammaan gobollada dalka ee loga baahan yahay, dawladduna waa inay ku abaalmarisaa gobollada sida ay ugu kala horeeyaan soo nooleynta iyo ka shaqaynteeda, umaddu waa in ay hellaan xaqay  leyihiin oo daruuriga ah  sida biyo,c aafimaad,  waxbarasho iyo illo dhaqaaale, haddii taasi ay dhacdo in sha Allaah  illaahayna aan barino  waayi mayno dawlado na taageera. arrimahaas

S- Mudane ambassador   xukuumadihii hore beesha caalamka waxay weydiisan jireen taageero ciidan iyo wax lamid ah  marka Raiisal wasaare Dr C/wali maxaa  xilligaan ku dhaliyay in  xilligaan uu  beesha caalamka  ka codsado arrintaan biyaha ee aad ugu magac darteen nabadda oo mashruuc ballaaran ah oo xilligaan ceelal dalka looga qodaayo.?.

J- Waxaa habooneyd in su,aashaas aad isaga weydiisaan laakiin  maadaama aan wax ka ogahay dhibaatada soomaliya  haysata in ay tahay mid qoto dheer ma aha mid shalay billaabatay guud ahaan waxaan oran karaa arrinta ugu mihiimsan oo u baahan in la wajaho oo xal loo helaa waa in la is waafajiyo dhaqanka soomaaliyeed iyo nidaamka dawliga ah, waa la ogsoonyahay umadda soomaaliyeed waxay ka koobantahay beelo walaala ah   xilliga isticmaarka ka horna waxaa jiray xeer soomaaliyeed oo aad u wanaagsanaa umaddana ku nooleyd umaddana wax ku qeybsan jiray hase yeeshee gumeysigu markuu yimid waxa  uu abuuray qorshe ka duwan wuxuu abuuray nidaam ka duwan oo aan waafaqsanayn ama  inaba dhinacna ka soo gali karin nidaamkii soo jireenka ahaa ee u degsanaa shacabka soomaaliyeed, xoriyaddi ka dib nasiib daro laguma guuleysan in la is waafajiyo nidaamkeenii iyo nidaamka dawliga ah waana arrinta  u baahan in xal waara loo helo taas markii laga soot ago addunka waxaa isticmaarka ayaa abuuray.

C C / MH

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here