ADEEGYADII BULSHADA QOOQAANI OO AY DAGAALADA HAKAD GALIYEEN

0
90

Howlihii dhaq dhaqaaqa ganacsiga iyo adeegyadii guud ee arrimaha bulshada ee deegaanka Qooqaani ee gobbalka jubbada hoose ayaa hakad galay,ayadoona ay arintaasi ugu wacantahay saameynta dhanka colaadaha ee ka taagan gobbalka jubbada hoose.

Xarumaha ganacsiga iyo dugsiyadii qur’aanka ee deegaanka Qooqaani ayaa maalintii Sadexaad xaniban, waxaana Haweenka iyo Caruurta ku nool deegaanka Qooqaani ay bilaabeen inay isaga barakacaan guryahooda iyagoo markaasi ka cararaya inay dhibaato ka soo gaadho dagaalada halkaasi ka jira.

“Magaalada bur bur ba’an,qax ba’an, ganacsi la’aan iyo dhibaato aad u xoogan ayaa ka jirta, xitaan ceelkii biyaha ayay dagaaladu saameyn xoogan ku yeesheen, dadku waxay bilaabeen inay guryahooda ka barakacaan, sidaasi waxaa  Radio Ergo u sheegtay  Haweeney ka mid ah qoysaska ka barakacaya deegaanka qooqaani xili iyada iyo caruurteeda ay deegaanka ka sii barakacayeen”.

Sidoo  kale wararka laga helaayo degmada Afmadow ee gobbalka jubbada hoose ayaa sheegaya in dadka halkaasi ku dhaqan ay soo wajahday wal wal iyo cabsi aad u xoogan ayadoona ciidamada huwanta ah ee dowladda iyo dhinacyada taageersan ay ku sii wajahanyihiin degmada Afmadow ayna suura gal tahay dagaal ay halkaasi kula galaan dhaq dhaqaaqa Al shabaab.

Gobbalka Jubbada hoose wali waxaa uu ku jiraa guluf colaadeed oo u dhaxeysa ciidamda dowladda KMG ah iyo Dhaq dhaqaaqa Al shabaab,waxaana hardanka dhinacyadaasi dagaalamaya ay saameyn balaaran ku yeesheen nolasha dadka ku nool deegaanada lagu dagaalamayo ee gobbalka jubbada hoose.

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here