Roobabkan oo ahaa kuwo xooggan ayaa waxay saameyn adag ku yeesheen dadka barkacayaasha ah, oo iyaga aan haysan guryo hagaagsan kuna hoyda baco, ulo iyo baakado leysku xirxiray kuwaasi oo celin Karin kulka qorraxda iyo dhibicda roobka.
Kasokow saameynta adag ee roobabka xilligan ay ku yeesheen kumanaanka kun ee soo barkacay, ayaa waxa meelo kala duwan laga soo sheegayaa in carruur ay u geeriyoodeen qabowga oo xanuun ama gaajo ay u wehelisay.
Kaamamka ku yaalla xaafadda Soona-key ee degmada Hodan, ayaa aqallada ay dadka degganaayeen qaarna ay biyaha la tageen halka qaarka kalana istaag mooyee jiif iyo fadhiba gudihiisa aanu saamaxeynin. waxa isla kaamamka ay dadka ka dhex sameysteen qubuuro ay ku aasaan dadka ka dhinta, labo qabri oo isxiga ayaa xilligaasi lagu kala aasayay labo carruur ah oo walaalo ahaa.
Aabbaha Carruurtan geeriyootay ayaa raadiyaha ERGO u sheegay:
“Aniga waxaan halkan joogaa Afartan cisho, carruurteydii labadaan hadda geeriyooday ayaa iiga dambeeyay, hore waxaa iiga dhintay shan kale waxayna u dhinteen gaajo iyo qabow”
Siidow Xaaji oo isna gabar 9 jir ah ay ka geeriyootay, ayaa codsanaya in dadka barakacayaasha ah laga gargaaro dhanka hoyga oo ay aad ugu dhibban yihiin.
Xaafadda Xamar-Bile ee degmada Wardhiigley ayaa iyana waxaa ku sugan barakacayaal dhibaateysan, kuwaasi oo qabowga jira awgii goosaha iyo ilkaha isku garaacayay iyagoo aan heysan jaakado, bustooyin ama dharka kale ee dhaxanta laga galo.
Sahra Xaaji Saciid oo ah guddoomiyaha kaamkan ku yaalla Wardhiigley, ayaa ku baaqday in xaaladda dadkan dib loo eego oo aan lagu fiirsan dhibaatada haysata.
“warbixin haddii aan idinka siiyo xaaladda Xamar-Bile oo illaa lix boqol oo ruux oo barakacayaal ah ay ku jiraan, dadku way dhibaateysan yihiin waxaan codsan lahaa in loo gargaaro oo sidan loo dhaamo” ayay Sahra Tiri.
Roobabka ayaa sidoo kale xiray qaar ka mid ah waddooyinka waaweyn ee magaalada, oo ay ku adkaatay gaadiidka inay soo maraan.
Yussuf Keynaan/FM