Suuqa Bakaaraha oo ah suuqa ugu weyn ee ay ka ganacsadaan dadweynaha ku nool gobollada koonfurta iyo bartamaha soomaaliya oo muddoyinkii ugu dambeeyay aanay ka jirin wax ganacsi ah oo la taaban karo isla mar ahaantanaa ay ragaadiyeen oo ay la hareen dagaalo iyo duqeymo sababay in marki dambe suuqu xirmo,
Hada waxaa ka soconaya gudaha suuqa diyaar garow iyo dayactir xoogan kaasoo ganacsatadu ay ku doonayaan in mar kale suuqu uu dib u hawlgalo,
Waxaa gudaha suuqa ku soo qulqulaya ganacsato iyo dadweyne aad u tira badan waxaa ka soconaya dhaqadhaqaaqya xoogan ,waxaad ku arkaysa gudaha suuqa shaqaalaha ka shaqeeya dhismayaasha oo ku mashquulsan dayactirka goobihii ganacsi ee ku burburay madaafiicda.
Wariyaheena Yusuf Keynaan oo booqday suuqa Bakaaraha una kuur galayay qaabka ay hawluhu uga socdaan halkaasi ayaa waxaa u suura gashay inuu halkaasi ku wareysto mid kamid ah shaqaale dhisme xilli uu saarnaa dabaq uu hawlo dayactir ka hayay,waxana uu weydiiyay.hawsha ay halkaasi ka hayaan “waxaan wadnaa dib u dayctirid guryihi ay madaafiicdu ku dhaceen ayaantaana waan wadnay ,ganacsatada iyo milkiilayaasha ayaana go,aansaden in ay dib u dayactirtaan goobahooda ganacsi.”
Goobaha uu dayactirka xoogani ka socdo waxaa ka mid ah agagaarka wadada ay ku badanyihiin shirkadaha isgaarsiinta iyo xawaaladaha,goobaha la dayactirayo sidoo kale waxaa kamid ah ,maqaayadaha laga cunteeyo ,Axmad Xassan waa milkiilaha maqaaxi weyn oo ku taala agagaarka isgoyska Hawlwadaag wuxuu Radio Ergo uga waramay, sida uu dareenkoodu yahay “dareenkeenu waa fiicanyahay waa naga buburtay maqaayadda waxaan halkaan u joognaa dayactir waadna u jeedaa siday xaalku yahay” .
Sidoo kale Cumar Aadan Wardheere waa mid kamid ah masuuliyiinta Hotel City oo kamid ah hoteeladii ku burburay dagaalada waxa uu isna Ergo u sheegay in ay dib u hawlgalinayaan hoteelkooda .
“
Waxaan ku nolahay suuqa Bakaaraha illaa ciidamadii Ethopia ay joogeen illaa hada waan ka dhex shaqayanayay kaliya 25 maalmood ayaan halkaan ka maqnaa waxaan ku faraxsanahay inaan dib u billaabo hawlahaygii” sidaana waxaa tiri Maryan Xaaashi Kadiye oo ka mid ah haweenka shaaha ku dhex iibiya gudaha suuqa weyn ee bakaaraha.
Rajada hada soo gashay ganacsatada bakaaaraha ayaa timid maalmo kadib markii madaxweynaha dowlada fadraalka soomaaliya Shariif shiikh axmed uu kormeer ku tagay suuqa oo sanado kahor ay ugu danbeysay isagoo xarigana kajaray dib u howlgelintiisa
“Fursad weyn ayeey ii tahay inaan maanta furo suuqa weyn ee bakaaraha waa suuq muhiim u ah nolosha dadka soomliyeed gaar ahaan nolosha reer muqdisho waa meesha ganacsiga ugu badan yi hantida ugu badan aya taalo ganacsiguna waxaa uu kamid yahay wax yaabaha aan nolosha la,aanteed la maareyn karin markaa inuu noqdo suuqaan suuq amni ah oo ganacsiga si xoogan oo ugu socdo ee aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay dowladana waxay bixin doontaa juhdi aad iyo aad u weyn”
Cali Maxamed Siyaad (Cali Dheere) waa guddoomiyaha ganacsatada suuqa Bakaaraha waxaa uu tilmaamay in suuqa ay dhibaato badan ka soo gaartay dagaalada ganacsataduna ay aaminaadii kabaxday wax walibana ay ku xirnaandoonto sidii ay ay isu fahmaan ganacsatada iyo ilaalada suuqa waxana uu yiri,
“ waa runtaa suuqa Bakaaruhu muda dheer ayuu cakir may sababtoo ah waxay noqotay goob dagaaleed meel haduu dagaal ka dhacana meel lagu ganacsana maahan ,hadba furitaanka suuqu waxaa uu ku xiranyahay hadba sidii loo adkeeyo nabaddda,madaxwweynuhuna waa inoo yimid”
Gudoomiayaha ganacsatada Bakaaraha ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay in suuqa lafuro ganacsataduna aysan sinaba taa caqabad ugu noqoneynin iyaguna ay yihiin nabad ku nool ganacsigana ku faaiida,
“wali waxaa dhagaheena ka yeeraya xabadihii iyo madaafiicdii lagu soo garaacayay suuqa ,dawladda waxaan uga fadhinaa sugida amniga,ganacsataduna xaqabad kuma noqonayaan furida suuqa”
Si kastaba suuqa Bakaaraha ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay ahaa goob hooy u noqotay madaafiic iyo dagaalo silsilad ah, kuwaasoo sababay dhimasho dhaawac iyo burbur haniyeed,waxaana dib u hawlgalidaan suuqu ay noqonaysaa mid ay ku farxaan soona dhaweeyaan xoogsatada,muruqmaalka iyo qeybaha kala duwan ee ganacsatada.