Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay sheegayaan in howlihii hay’adda caruurta ee SOS ay ka waday magaalada Muqdisho ay hay’addaasi hakisay, iyadoo shaqaalaheedii ka soo daadgureysatay xaafada ay dagaaladu go’doomiyeen ee xarunta u ahayd hay’adda ee Degmada Huruwaa.
Bar ay leedahay hay’adaaasi ayaa lagu faafiyay in tallabaadasi ay u qaadatay si loo hubiyo amaanka shaqaalaha kaddib dagaallo maalmo xariir ka soconayay xaafadaasi
Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa bartanka uga jirtay iskahorimaadyo xoogan oo u dhaxeeya ciidamada DFKG ah ee Soomaaliya oo garabsanaya kuwa midawga Afrika ee AMISOM iyo Xarakada Al Shabaabul Mujaahidiin.
SOS waxa ay ku warantay in markii ugu horeysay tan iyo sanadkii 1985tii ay si buuxda u soo firaaqaysay goobtii ay deganayd sababo la xiriira amaanka. Waxaana ay sheegtay in 10kii bishan madfac ku soo dhacay isbitaalka iyo qeybta farmashiyaha uu sababay dhimashada mid kamid ah shaqaalaha.
Hay’adda ayaa intaasi ku dartay in ciidamo ka mid ah kuwa Alshabaab ay sidoo kale qabsadeen istibitaalka maalmo ka hor. Taa oo sababtay in dhamaan bukaankii yiilay ay ka qaxaan….sidoo kale qalab dhismaha oo yiilay gudaha xerada ayay hay’addu ku warantay in uu waxyeelo soo gaaray.
Ugu dambayntii SOS ayaa sheegtay in hadda istibilaalka ay hadda ku suganyihiin ciidaamada dawlada, ayna ka cabsi qabto in waxyeelo ay ka soo gaarto madaafiicda ay iswaydaaranayaan labada dhinac ee dagaalamaya ay sababto qasaaro.
MG