SIIDAY U MAAREEYAAN NOLOSHA QOYSKA HAWEENKA KU NOOL MUQDISHO?

0
96

Maxay tahay duruufahay qabaan haweenku si ay u daboolaan nolol maalmeedka qoyska iyo hawsha guriga, warbixintaan soo socota ayaan ku eegaynaa hawlaha kala gedisan ee ay hayaan haweenka ku nool Muqdisho.

Duruufaha qalafsan ee ay keeneen dagaaladda iyo abaaraha ayaa ka dhigay ragga kuwo fara maran oo gidaaradda iska fadhiya, waxayna noqdeen kuwo miskax ahaan iyo muruq ahaanba hawl gab aan cimri keenin ku noqday, arrintaani waxay keentay inay haweenkii noqdaan kuwo soo dhiciya nolosha qoyska.

Muqdisho waxay ka mid tahay magaalooyinka ay dumarku shaqeeyaan, waxyaalahay qabtaanna waxaa ka mid ah ka ganacsiga dahabka, maacuunta, shaaha, khudaarta iyo waxyaalo kale. Dahabo Cali waa hooyo dahabka ku iibisa suuqyadda Muqdisho, waxayna ka waramaysaa sababahay ku bilowday.
“Waxaan shaqadaan ku jiray 5 sanno, waxaan dhalay lix caruur ah, aabahood shaqo ma hayo, anniga hooyaday ayaan uga tagaa caruurta anniguna waxaan soo dhiciyaa nolosha qoyska, dahabkaan iibiyo waxaa laga kala keenaa Suacuudi Caraybiya iyo Dubey, nooca Dubey ayaanna wanaagsan in kastoo qiimahaan ku kala gadanno kala gedisan yihiin, waxyaalahaan ka hello iibinta dahabka xoogaa way iga kabtaa inaan helo noloshayda”

Sidoo kale Caasha Cumar waa hooyo haysata 5 caruur ah waxay ka waramaysaa siday u soo shaqaysato “waxaan suuqa bakaaraha ku iibiyaa bacadle, ninkaygu waa nin weyn, mana hayo wax shaqo ah iyo meel uu aado toona, ma haystaan caruurtaydu waxbarasho, dharka waxaan ku soo qaataa dayn, waxaan ka helaana kama badna wixii la cunni lahaa, sidoo kale waxaan ku qabaa dhibaato badan, waxaan ku qabaa dagaaladda dhibaato oo duruufo kala gedisan ayaan kala kulmaa”

Siyaabo kala duwan ayey kuu sheegayaan haweenka Soomaaliyeed siyaabahay uga shaqaystaan suuqyadda, Daahira Xasan waa haweenay caanaha ku iibisa Muqdisho
“Dhalada caanaha geella waxaan iibiyaa 18000, kuwa lo’dana 1200 (Shilin Soomaali), waxaan ka keenaa Afgooye waxaanan ku iibiyaa xaafadda Madiina, hadda caanihii way yaraadeen, horay waxaan u soo heli jiray 40 litir hadase 20 litir oo abaarta dhacday ayaa saamaysay xoolihii, anniga caruurtayda waa 3, wax kaloo la qabto ma lahan, caruurtana waxaan uga tagaa walaashey, ninkayga waa baaga muudo”

Cabdiyo Axmed waxay ka mid tahay iyanna haweenka ka xoogsadda karinta shaaha “waxaan ka mid ahay haweenka shaaha ku kariya Muqdisho, anniga xaas ma ahi laakiin waxaan u shaqeeyaa qoyskayaga oo walaaladay iyo waalidkayba annigaa u xamaalla, ka ganacsiga shaaha sidaas uma sahlana waan wareejiyaa waana duruuf adag, maalin aan wax lagaa iibsan iyo dhibaaooyin kale oo badan ayaa jira”

Maxamed Aadan waa aqoonyahanadda ku nool Muqdisho wuxuu isaguna ka waramayaa waxa keenay inay haweenku soo dhiciyaan quutalyoonka bulshadda,
“Waxaa keentay dawlad la’aanta, dilkii oo batay ayaa dumarka ka dhigay kuwo haysta agoomo oo aabayaashii lagu dilay dagaaladda, tan kalena raggii ma hayaan wax shaqo ah, marka haweenkii ayaa noqday kuwo meelo hoose wax ka raadin karra, wayna ka samir badan yihiin ragga taasaanna asal u ah in dumarku noqdaan kuwo shaqeeya, ragiinna badi waxaad ku arkaysaa iyagoo gidaaradda fadhiya oo ku mashquulsan wax markaas aan qiimo badan u lahayn”

Haweenka oo badi soo xamaalla ayaa waxaa u sii dheer inay korintii iyo ababintii caruurtu ay meesha ka baxdo taasoo iyana samaayn dhinaceeda kale yeelata “Amina Axmed waa hooyo in badan ku jirtey suuqa Bakaaraha, kuna iibisa khudaarta, waxayna sheegtay in ilmaheeda wakhtigaan dagaaladda ay dhibaato ku tahay in hooyo ay ka maqnaato, “annigoo u soo shaqo tegey suuqa ayaa xaafadii caruurti ii deganayd dagaal ka dhacayaa, waxaad samaysid ma taqaanid, murugo iyo oohin ayaa ku dilaysa, waxaad gaday iyo waxaad heshay toona niyad uma haysid, haddana markaad gurigii tagto oo caruurtaadii oo gaajaysan aragto dantu inaad shaqo tagto ayey kugu khasbaysaa”

Haweenka Soomaaliyeed ayaa xilligaan lagu tirayaa udub dhexaadka nolosha qoyska waxaana gebi ahaanba meesha ka maqan cid ka taakulaysa sidii loo tayo gelin lahaa, tanoo ay ugu wacan tahay duruufaha amaan oo liita taasoo sababtay in wax qabad badan oo ka imaan lahaa bulshadda gargaarka ay meesha ka baxdo.

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here