DHIBAATOOYINKA WAXBARASHO EE HAYSTA CARRUURTA KU JIRTA XERADA QAXOOTIGA KAKUMA

0
140

Xerada qaxootiga ee Kakuma kuna taalla cirifka waqooyi galbeed ee Kenya waxay hoy u tahay qaxooti ka soo kala jeeda 8 qawmiyadoood oo kala ah  Soomaali, Ethiopian, Ereterean, Ugandha, Koongo, Rwanda, Burundi iyo Suudaan oo badi ku kala duwan dhaqanka, afka iyo diimaha, waxayse qabaan duruufo iyo dhibaatooyin isku mid ah, carruurta ku jirta xeradaan aya dhibaatooyinka ugu waaweyn ee haystaa yihiin dhinaca tacliinta.

Yaasiin Ahmed oo sannado ahaa maddaxa guddiga jaaliyadda qaxootiga Soomaalida ayaa Radio Ergo u sheegay “sanaddo ka hor qawmiyadda ugu badan Kakuma qaxootiga ku ah waxay ahayd Suudaan, waxaana dhacday in dib u celin lagu sameeyey qaxootigii koonfurta Suudaan, waxaana xilligaas jiray hanaan badan oo waxbarasho, waxaa ka jiray 4 dugsi sarre, saddex waa la xiray, dugsiyadda hoose ilaa 30 iyo dhowr bay ahaayeen, wax yar ayaa laga soo reebay, dugsiyadda xanaanadda caruurtu waxay ahayeen ilaa 15 haddana waxaa ka shaqeeya wax ka yar 5,  dhamaanna goobaha waxbarasho ee hadda shaqeeya ma haystaan macalimiin ku filan umana shaqeeyaan sidii xilligii hore, waxaana loo xiray sababo ay ku sheegeen hay’addaha gargaarku lacag la’aan” waxaana wakhtiaan ku nool Soomaali ka badan 60 kun oo qaxooti ah, waxaana nasiib darro ah inaysan haysan wax barasho ku filan”

Cabdirsaaq Ismaaciil Xaashi waa maamulaha dugisga hoose dhexe ee Kismaayo oo ah dugsigii ugu horeeyey ee si gaar ah loo leeyahay lagana furay Kakuma, ayaa isaguna wuxuu sharaxayaa sababaha ku kelifay inay dhisaan dugisgiaan

“ Dugsiga Hoose dhexe ee Kismaayo wuu cusubyahay sanadkaan bishii Abriil ayaan furnay waxaana dhigata 450 arday, waxaana nagu kelifay kadib markii aan aragnay baahida wax barasho ee ka taagan xeradaas oo dadka ugu badani yihiin Soomaali”

Sidoo kale Cabdirisaaq wuxuu shegay in ay wadaan wakhtigaan dhismihiisa dugsigii sarre oo ay ugu talla galeen ardayda ka soo baxda dugsiyadda hoose inay ka heli doonan waxbarasho sarre”

In waalidiinta ku nool xeryaha qaxootiga inay caruurtooda geyaan dugsiyo gaar loo leeyahay ma ahan wax sahlan, nolosha dadku waa ciriiri, ma lahan wax dakhli ah oo soo galla, dadku waxay ku tiirsan yihiin waxoogaaga raashinka ah ee laga helo hay’adda qaxootiga qaramadda midoobay ee UNHCR Cabdirisaaq oo mar kale sharaxaya siday duruuftaan uga dabaashaan wuxuu leyahay

“ardayga wax ka barta xerayaha qaxootiga wuu ka duwan yahay kan goobaha aan ahayn wax ku barta, waxaa haysta duruufo kala gedisan, waxaa ku hareeraysan fakhri, nolol xumo iyo la’aanta adeegyadda u sahli lahaa waxbarashadda oo mesha ka wadda maqan, wax la’aanta qoysta ku nool qaxootiga haysata ayaan u ogolaanayn waalidka inay u dhamaystiraan adeegga iyo agabka kale ee tacliintu u baahantahay”

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here