UNICEF: “Xaalada macaluusha wax badan iskama beddelin”

0
103

Hay’adda UNICEF iyo la howlgalayaasheeda gudaha ayaa ku dadaalaya sidii ay u gaari lahaayeen carruurta iyo qoysaska ay saamaysay macaluusha iyo abaaraha ku dhuftay koonfurta Soomaaliya , iyagoo ku beegsanaya barnaamij cusub oo waraaqaha cuntada lagu qaato iyo lacago caddaan ah lagu siinayo qoysaskaasi.

UNICEF waxay sheegaysaa in lacagahaas caddaanka ah iyo waraaqaha cuntada ay durbaba wax ka tartay heerka nolosha qoysaskii la siiyay iyo waxyaabaha kale ee aasaasiga ah ee laga helo suuqyada.

Mowliid Warfaa oo ah xiriiriyaha howlaha bani’aadannimo ee hay’adda  UNICEF Somalia ayaa ka warramaya xaalada macaluusha Soomaaliya, sida loo gargaaray dadka ay abaaruhu barakiciyeen iyo caqabadaha ka soo wajaha gargaar la doonayo in dadka la gaarsiiyo.

“ Macaluusha wax badan iskama beddelin, hay’addo badan ayaa jira oo ku dadaalaya in wax ka qabtaan, 340,000 carruur ku dhaw ayaa  qarka u saran xaalad bina’aadanimo, dadkuna waxa ay soo buuxdhaafinayaan magaalooyinka”

Mowliid oo ka hadlayay sida macaluushu ay u saamaysay gobolada koonfurta Soomaaliya ayaa Radio Ergo u sheegay

“ Guud ahaan xaalada koonfurta soomaaliya waxa ay maraysaa meel aad iyo aad looga naxo, haddii ay sida ay hadda tahay ay ku sii jirto mabba loogu tagi doono wax dad ah”

Mar uu ka hadlayay taageerada UNICEF ee xaalada abaaraha taagan ayuu yiri

“ UNICEF waxay taageertaa ilaa 500 xarumood oo quudin ah , barnaamijka quudinta waxaa dadka tabaalaysan lagu gaarsiinayaa 5000 oo mitrik tone cunnooyin ah bishii,  UNICEF waxa ay awooda saaraysaa waxbarashada, kaarar cuntadda ayaa ka wadnaa 212 xarumood oo ay joogaan carruurta iskuulada dhigata ilaa iminka 30 kun oo cunug ayaa ka faa’iidaystay, barnaamijka “Cash transfer” lacagaha caddaanka ah ayaan isna wadnaa, inagoo u sii marsiinayna bah-wadaagteenna gudaha aan kala shaqeyno, dadkuna waxa ay  ka lacago caddaan ah ku helayaan” .

Ugu dambeyntii Mowliid Warfaa ayaa tilmaamay in tallaalka jadeecada ay ka wadaan qeybo kamid ah gobolada ay abaartu ku dhufatay balse waxa uu sheegay in ay jiraan goobo ay gaari waayeen balse ay wadahadal kula jiraan maamulada deegaanadaas.

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here