Cudurrada shuban biyoodka, duumada, jadeecada iyo xanuunno kale ayaa lagu soo warramayaa inay jiraan deegaanka Deg-Illima oo hoos taga degmada Dhoobley ee gobolka Jubada hoose.
Deegaankaasi oo ay ku nool yihiin boqolaal qoys oo sabool ah oo ay cayrteeyeen abaaraha iyo colaadaha dalka ka jira, ayaa sheegaya in xarumo caafimaad oo tayo leh aysan halkaasi ka jirin, haweenka uurka leh iyo carruurtuna ay la liitaan nafaqo darro.
Maxamed Aadan Suraa, oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ee deegaankaasi Deg-illima ayaa Raadiyaha Ergo u sheegay in xaaladda guud ee dhanka nolosha,Caafimaadka iyo biyaha ee deegaanka ay aad u liidato.
” Xaaladda deegaankan oo ay ku nool yihiin boqollaal qoys oo xoolahoodii ay dhaafisay abaarta dalka ka jirta ayaaney ka jirin xarun caafimaadna, iyadoo ay taasi u wehliso cunno la`aan, waxayna dad badan ay qarka u saaran yihiin iney dhintaan” ayuu yiri Maxamed Aadan Suraa.
Inkastoo ay jiraan gurmad ay maamulka iyo ganacsatada degmada Dhoobley ay ku caawinayaan dadkaasi tabaaleysan ayaa waxaa jira in baahida ay qabaan dadka deegaanka aysan dabooli karin.
Cabdinaasir Seeraar, oo ah afhayeenka dhaqdhaqaaqa Raaskaambooni ee degmada Dhoobley ayaa raadiyaha ERGO u sheegay in ay dadkaasi gaarsiiyeen gargaar raashiin iyo biyo dhaamin balse ay u baahan yihiin gurmad dheeraad ah oo degdeg ah.
Deegaanka Deg-illima wuxuu 12 km dhanka koofur galbeed kaga beegan yahay degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose.
Kh/FM