Cayaar kubbadda cagta ah oo saaxiibtinnimo ayaa dhex martay degmooyinka Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud iyo kooxda kubadda cagta ee degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Ayaa ka dhacday xarunta gobolka Mudug e magaalada Gaalkacyo.
Cayaartaani oo ahayd mid aad u xiisa badan oo ay ka soo qaybgaleen dadweyne farabadan ayaa lagu qabtay garoonka ciyaaraha Cabdullaahi Ciise ee magaalada Gaalkacyo, Waxaana gabagabadii cayaartu ay ku soo idlaatay 2-0 oo ay guushu ku raacday kooxda kubadda cagta ee ku ciyaaraysey magaca degmada Gaalkacyo.
Cabdimahad Axmad Xirsi oo ah kabtanka kooxdii ku ciyaaraysey magaca degmada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud oo la hadlayay Radio Ergo ayaa sheegay in si weyn loogu soo dhaweeyay degmada Gaalakacyo, wuxuuna sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay ciyaartaasi dhexmartay kooxdooda iyo kooxda kale ee degmada Gaalkacyo, isagoo intaas raaciyay in ciyaaraha noocaani oo kale ah ay abuurayaan is dhexgalka bulshada gaar ahaan dhallinyarada.
Sidoo kale Cabdi Siyaad Guufaa oo ka mid ah maamulka ciyaaraha ee degmada Dhuusamareeb oo isaguna wareysi siiyay Radio Ergo ayaa sheegay in kulankaani uu daba socdo kulan horay uga dhacay magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud, kaasoo dhexmaray isla labadaan kooxood, wuxuuna sheegay in kulankan ay soo abaabuleen maamulka ciyaaraha degmada iyo ururrada maxalliga ah ee ka jira degmada Dhuusamareeb .