Dad hor leh oo macaluul ugu geeriyooday galguduud

0
90

Galgaduud, Raadiyo Ergo, Sebtember 2011. 34 qof ayaa gaajo iyo macaluul ugu dhimatay degaanno ka tirsan degmada Ceel-dheer ee gobolka Galgaduud, siduu xaqiijiyey guddoomiyaha guddiga gurmadka abaaraha ee degamadaas Maxamed Axmed Jicmaale.

“Dadkaani waxaa ku dhacay abaar, waxaa ka baa’bay xoolihii ay lahaayeen, siiba ariga iyo lo’da, taasaa keentay in gaajo markii ugu horraysay taariikhda dad ugu dhintaan degmada Ceel-dheer,

Ilaa hadda waxaan xaqiijiyey toddobaadyadii la soo dhaafay ay macaluul u dhimatay 34 qof kuwaasoo haween iyo carruur isugu jira waxayna ku dhinteen Ceel-dheer iyo tuulooyinka ka ag dhow ee kala ah Hul Caduur, Caws Wayn, Baraag Sheikh Cabdullahi, Burdiir iyo  Hawdley”

Masuuliyiinta degmadda Ceel dheer ayaa sidoo kale xaqiijinaya inaysan jirin wax hay’ado gargaar ah oo ka hawl gala wakhtigan, waxaana gargaar aan badnayn gaarsiiyey hay’adda al Islaax iyo dad ka mid ah qurbo joogta Soomaalida mase ahan wax ku filan baahida badan ee jirta.

Guddoomiyaha gurmadka abaaraha Ceel-dheer wuxuu sidoo kale sheegay inay barakaca iyo cudurrada deegaanka ka jiraan ay aad u sarakacayaan, taasoo ay wehliso nafaqa darrida, jadeecada iyo shubanka wakhtigaanna ay u dhimanayaan carruurta iyo dadka waayeelka ah.

Wuxuuna Guddoomiyuhu codsi u jeedinayaa dhammaan bulshadda caalamka ee gargaarka, ganacsatada iyo jaaliyadaha Soomaaliyeedba inay u soo gurmadaan walaalahooda dhibaateysan, gaajeysan, arradan, cudurraduna ugu darsameen ee ku sugan deegaannadaas.

Waxaa kaloo degmada Ceel-dheer ka samaysmay xeryo barakacayaal cusubi ku soo xeroonayaan kuwaasoo ah dadka ay abaartu cayrtaysay oo ka soo hayaamaya dhulka miyiga ah.

Degamadda Ceel-dheer oo ay gacanta ku hayaan ururka Alshabaab ayaa haddana masuuliyiintoodu codsanayaan inay soo dhowaynayaan cid kastoo ka cawinaysa taakulaynta dadka dhibaataysan iyagoona sheegay in ay gacan siinayaan hay’addaha caalamiga ah iyo kuwa gudahaba.

Cabdijamaal

Dhamaad

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here